Buuggan taariikh nololeedka Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf
waa ogaankay buuggii ugu horreeyey ee uu madaxweyne
Soomaaliyeed toos u qoro isagoo nool kaddib markii uu xilka
ka degay. Wa qoraal daahfuraya oo ifinaya dhacdooyinkii
badnaa ee isdaba-joogga ahaa ee ka socday guud ahaan geeska
Afrika, gaar ahaanna dalka Soomaaliya lixdankii sano ee ugu
dambeeyey (1950-2010kii). Waxaa buuggan ku xusan qoraallo
badan oo xogta ay xambaarsanyihiin aan si kale lagu heleen,
qof goob-joog ka ahaa mooyee. Waa dhacdooyin uu qoraagu
isagu goob-joog ka ahaa intooda badan. Dhacdooyinka buuggan
ku jira waxaa ka mid ah, kuwa badan oo la xiriira qisooyin
leh murugo iyo tiiraanyo, ciil iyo caro, jab iyo naasa-beel,
hoog iyo halaag, burbur iyo baro-kac, qax iyo kala-yaac.
Sidoo kale waxaa geedi-socdkaas dheer ee nolosha
barbar-socday kuwa kale oo watay faraxd, gallad iyo abaal,
nabad iyo naruuro, bashbash iyo barwaaqo, raynrayn iyo
riyaaq.
Cutubyada buuggan ka kooban yahay waxaa ugu hilin culus
kuwan hoos ku xusan :
Korrinkii iyo taaariikh nololeedka qoraaga laga soo
billaabo
Tuulada Birta-dheer ee uu ku dhashay iyo sidii uu ku
barbaaray
Muddadii uu geel jiraha ahaan jiray oo miyiga ku noolaa.
Habkii uu ciidanka ugu biiray sannadkii 1950kii, kaddib
marki uu askarnimo ka qortay magaaalada Gaalkacyo isaga
oo
aan ku talo-galin, war iyo wacaltoona aan u hayn shaqada
iyo xirfadda ciidanka.
Waxbarashadii ciidanka ee uu dalka iyo dibeddaba ku
qaatay muddadii u dhaxaysay 1950-1956kii
Xilalkii kala duwanaa ee mudane Yuusuf ka soo qabtay
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Boliiska muddadii
u dhaxaysay 1956-1963kii
Kaalintii uu ka qaatay dagaakii Itoobiya iyo Soomaaliya
sannadkii 1964kii, halkaaso uu ku mutaystay dallacaad iyo
billad geesinimo.
Iska hor-imaadkii Cabdullahi Yuusuf iyo taliyihiisii
ciidanka S/Gaas Maxamad Siyaad kaddib markii uu G/Sare
Cabdullahi Yuusuf ka diiday inuu inqilaab kala qayb qaato
bishii,
Jannaayo,1969kii
Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid iyo cidda lagu tuhumay
inay lug ku la haayeen fal dembiyeedkaas
Afgembigii Oktoober 1969kii, iyo xabbsikii loo taxaabay
CabdullahiYuusf iyo Maxamad Faarax Caydiid 1969-1975kii (
Lix sano iyo dheeraad) oo xukun la’aan ah !
Dagaalkii 2aad ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo
Cabdullaahi Yuusuf marlabaad masuul looga dhigay aag muhiim
ahaa
Aasaaskii jabhaddii ( SSDF) iyo mucaaradkii hubaysnaa
muddadii uu ku jiray xabbiskii labaad (lix sano oo kale
1985-1991) ayaa mar labaad lagu xiray dalka Itoobiya
Asaaskii dawlad goboleedka Puntland iyo kaalintii uu ka
soo qaatay
Loolankii doorashadii Madaxweynaha ee lagu qabtay dalka
Kenya sannadkii 2004tii
U guuridii dalka (degaankii dawladda ee magaalda Jawhar,
Baydhaba, iyo Muqdisho)
Dagaalkii Ururkii Midowga Maxkamadaha
Shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee
Muqdisho sannadkii 2007
Dawladihii 1aad iyo 2aad ee TFG :da
Is-casilaaddii Madaxweyne Cabdullahi Yuususf iyo
Dhacdooyin kale oo aad muhiim u ah
Waxaa tixgelin iyo qadderin mudan inaan gunaanadka
hordhaca ku
xuso, kuna maamuuso qoraagii caanka ahaa ee Siciid
Cismaan
Keenadiid ( Ahun) oo qoraalka iyo sixidda buuggan qayb
libaax ka
soo qaatay oo geeriyooday bishii Soonka sannadkan 2011,
muddadii lagu jiray hawsha gunaanadka buugga. Gebagebada
gogoldhigga buugga waxaan ku maamuusayaa qoraalkan kooban
oo aan Siciid Cismaan ka soo xigtay :
« Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ma uusan
fulin
xilkii qaran ee laga sugayey. Ma isaga ayaa ka gaabiyey
dhismaha
maamul awood waxqabad leh, mise waxaa ka hor-istaagey
xoogag
diiddan nabadaynta iyo dibu-dhiska Soomaaliya?. Mudane
Cabdullaahi Yuusuf waxaa la qummanaatay in uu qoraal ku soo
bandhigo xaaladahii iyo dhinacyadii maamulkiisa curyaamiyey
. Waa bandhig aan
leexleexad iyo duurxul lahayn oo toos farta ugu fiiqaya
siyaasiyiin
Soomaaliyeed, kuwo shisheeye iyo dawlado ay dhexmareen
iska
horimaadyo siyaasadeed oo gudubsan heer kasta ee uu
mala’awaali
karey qof xumo-saadis ahi; wuxuu sidaas darteed isu
xilsaaray in uu ummaddii xilka u dhiibatay ee uu horteeda ku
dhaartay uga warramo sababihii uu ballanqaadkiisii u fulin
waayey. Dhalliil kasta oo dhismo ah oo ka hortimaadda
aragtidiisa iyo fiirooyinkiisa siyaasadeed waxay soo
noolaynaysaa wada-danaynta dalkaan, waayadii danbe la
illaaway, in la wadaago. »
Waxaan qoraaga ( Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmad) iyo
dadka qoraalka xiiseeya ugu hambalyeynayaa inuu buuggan
yahay kayd dhaxalgal ah oo taariikhkeedna dihin toosh ku
ifinayasa dhacdooyin
badan oo beri hore la iska illaaway. Ugu dambayn waxaan u
hambalyeynayaa shirkadda Scansom Publishers oo u
tafo-xaydatay qoraalka, fidinta, iyo kaydinta afkeenna hooyo
oo ku guulaysatay daabacadda buugta ugu badan ee la soo
saaray 15kii sano ee ugu dambeeyey oo buuggan taariikh
nololeedka Madaxweyne Cabdullahi ka mid yahay.
Shirkadda Scansom waxay masuul ka tahay soo saaridda iyo
arrimaha farsamada la xiriiira daabacaadda buugga. Qoraagu
isaga ayaa u
madax-bannaan fikradda iyo nuxurka qoraalka. Waxaan si
gaar ugu
mahadcelinayaa dhammaan dadkii qaaday ama iska lahaa qaar
ka mid ah sawirrada buuggan ku xusan oo aan raadiyey (si aan
ugu mahad-naqo) ayna nasiib-darrose ii suurta-geli weyday
inaan helo xiriirikooda tooska ah. Shifo ku af-saar iyo
akhris wacan.